Daawo: Amiin Caamirs oo sawir gacmeed cajiib ah ku muujiyay qaabka loo magacaabayo wasiirada cusub

Farshaxaniistaha caanka ah Amin Camir ayaa waxa uu sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay Madaxweyne xasan sheekh iyo R/wasaare Cumar cabdirashiid.

Farshaxaniistaha ayaa waxa uu sawirkaasi ku cabiray in Madaxweyne xasan uu R/wasaaraha cusub ku cadaadinaayo in xukuumada cusub ay ka dhex muuqdaan 5 wasiir oo uu madaxweynaha u arko inay munaasab u yihiin shaqsiyaadka xilkaasi loo magacaabi lahaa, sida uu sawirka ku daabacay Amiin caamir oo inbadan saadaaliyay xukuumadihii dalka soo maray iyo tan hada jirta waxaana inta badan dhaca qaabka uu u cabiro sawiradiisa.

Hadaba Amiin caamir oo saaxiibo badan ku dhex leh sida muuqata Madaxtooyada soomaaliya ayaa waxa uu soo bandhigay Shan xubnood oo uu madaxweynaha ka dalbanaayo R/wasaare Cumar cabdirashiid waxa ayna kala yihiin:

1-Faarax cabdulqaadir Wasiirka Cadaalada

2-Fowsiyo xaaji aadan Wasiirka Arimaha dibada

3-Cabdikariin xuseen guled Wasiirka arimaha gudaha

4-Cabdulaahi sambaloolshe Wasiirka Amniga qaranka

5-Maryan Cariif Wasiirka dastuurka

Si kastaba ha ahaatee waxaa inta badan rumoowa qoraalada farshaxaniistaha waxa ayna tani daba soconeysaa qoraaladii uu horay u sameeyay, islamarkaana rumooway.

19_DEC_2014Q