DAAWO:-KG Oo Sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin tartan dambe oo lagu qabto Muqdisho

Wasiirka Isboortiga Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xulka Kubadda Cagta KGS uusan qeyb ka noqon doonin tartan dambe oo lagu qabto Muqdisho haddaan Jawaab sax ah laga siin qaladkii shalay lagu weeraray Bus ay saarnaayeen Ciyaartoyda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Somalia , waxay Aad uga Xuntahay Dhibaatadii loo geystay Taageeriyaasha iyo ciyaartooydeena Koofur Galbeed.

Gobolka Banaadir Masuuliyadii Amni iyo Martigalintii ay sameeyeen waxaa si gaar ah loogu Faquuqay ciyaartooyda kgs , Maamulka Banaadir Hadii sida ugu dhakhsiyaha Badan aan jabaabta ugu Haboon Kabixinin Ciyaartooyda Koofur Galbeed waxey ku laaban doonaan Megaalada Baydhabo , Wasaarada Tartan Danbo Ka qeybgalkiisa Wey ka fiirsan Doontaa ayaa lagu yiri war Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Sports ka KG.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA