Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadal Kooban ka jeediyay Munaasabadii lagu Magacaabaayay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha xilkan adag ee uu u magacaabay, waxaana uu balan qaaday in uu wax badan qaban doono, isla markaana uu dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho xor ah, marka la gaaro sanadka 2016-ka.