Daawo: Odayaasha iyo Gollaha Badbaadada KGS Oo Ka Horjeestey Nidaamka Aqalka Sare Ee Soomaaliya

Kulan ay wada yeesheen Gollaha Malaaqyada , Gollaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaliaya iyo Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed  ayaa manta ka dhacey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Kulankaas waxaa loogu wada Hadley Qodabada Soo socda:-

  1. In la qaadaco Qorshaha Aqal  sare  ee la leeyahay Degmo iyo Gobal ayaa lagu qaybinayaa , taasoo si wadajir ah loo diidey Fikirka Aqal  Sare , dhamaan xubnaha Golayaasha waxay isku raaceen in ay Soomaalida ay wax ku qaybsadaan 4.5 inta laga gaaraye hal cod hal Qof
  2. in la difaaco  Xasuuqa lagu hayo Dadka Gobalaka Shabeelada Hoose , dowlada Federaalka ay fargilinta ka joojiso
  3. in aysan jirin wax layiraahdo Bakool Sare , ee ay jirto  hal Bakool .

Gebo Gabadii waxaa la isku raacey in shir Jaraa’id ay qabtaan Masuuliyiinta Gollaha  Malaaqyada , Gollaha badbaadada KG iyo Gollaha aqoonyahanada, waxaan loo xilsaarey inay ka hadlaan Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha odayaasha Dhaqanka Ee KGS Malaaq Cabdirishiid sheekh Cabdisalaan , Malaaqa Yuusuf Cabdiyow , Afhayeen Gollaha Malaaqyada Maxamed Yaquub Deerow iyo waxaa kaloo ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Golaha badbaadada Koonfur Galbeed Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar.

Waxaana si buuxda loogu horyimid wax layiraahdo gollaha  Aqalka sare  iyo in la difaaco Gobolka shabeellaha Hoose oo ay ka socdaan Xasuuq , kufsi iyo dhac Joogta ah , taasoo socatey Muddo 25 sano .

Ugu  dambeyntii, Gollaha malaaqyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u mahad celiyey shaqada ay soo qabteen Gollaha badbaadada  Koonfur Galbeed  Soomaaliya ee ku saabsanaa safarkii Puntland iyo dhacdooyinkii  ka dhacey deegaanada  Maamulka Puntland taaso lagu dhibaatayey dadka Ka Soojeeda Koonfurta Wadanka Soomaaliya.

Halkan Daawo Sawiradda Maanta

010203040506050708 090910 111112 13

13