Daawo Qaabkii Kismayo Loogu Soo Dhaweeyey Madaxweyne Shariif Hassan

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno kale uu hogaaminayo. Wafdiga Shariif Xasan Sheekh Aadan Hogaaminayay waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo katirsan Maamulka Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goordhaw waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubaland ee kutaala Magaalada Kismaayo.

Shariif Xasan iyo wafdigisa ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada maamul, is-dhex-galka bulshada labada maamul iyo iskaashi ku aaddan la dagaallanka Al-Shabaab.