Daawo:-Wasaarada Arimaha Gudaha KG oo Odayaal Shir u sooo Xirtey

Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Shir uga socday Muddo Labo Isbuuc ah magaalada Baydhabo ayaa maanta u soo Gaba gaboobey,

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Doowladaha hoose iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur Galbeed Mudane Mustaf Abdulaahi Hassan ayaa ka qeybgalay Shirkaasi Waxaana Mudadii uu socday shirka looga hadlaayey arimaha dib u heshiisiinta Beelaha dega Deegaanadda koonfur Galbeed.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 11 Xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Suldaan Xaydar Suldan Suufi Muuye dheere Xubnahaasi oo Wasaaradda kala shaqeyn doono Arimaha dib u heshiisinta bulshada degta Koonfur Galbeed.