Daawo;Ayax Aafeeyey Beeraha ku yaalla Nawaaxiga Baydhabo

Todobaadkan Beeraleyda Deegaanada Kgs waxaa dulsabeynaya #Ayax aad u fara badan oo Aafeeynaya Beeraha Soomaaliya.

#Subaxnimadii saaka aheyd ayaa waxaa uu ayaxu ku soo degay deegaanka Goof mareere oo magalada Baydhabo 15 killo mitir kaga beegan dhanka koonfureed.

Ciidamada Daraawiishta Kgs ayaa waxaa ay Guramad xoogan u muujiyeen walaalahooda Beeraleyda ah.

Talliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Kgs Mudane C\laahi Isxaaq Ibraahin iyo Ciidankiisa ayaa maanta Gurmad Xoogan u Muujiyay Beeraleyda Deegaanka Goof mareere oo Maanta uu ku habsaday Ayaxaasi,

Beeraleyda Deegaanada Kgs Soomaaliaya ayaa fajac ku noqday Ayaxan kaas oo ah mid aan horey loogu arag deegaanada Kgs

Ayaxa ayaa wali waxaa uu dulsabbeynayaa beeraha ku yaalla Nawaaxiga Magaalada Baydhabo isagoon wali wax xal ah loohelin.