DAAWO,Lafta-Gareen Oo Ka Hadlay Walaaca Laga Qabo Guddiyada Doorashooyinka

Madaxweynaha dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo mid maamul Goboleed ee dhawaan la magacaabay.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu Guddiyada doorashooyinka horey ka magacaabay, kadib markii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay heshiis ka gaareen doorashada dalka ee 2020/2021.

“Dadka Guddiga Doorashada Ka Cabanaaya Ee Madaxdii Hore Ah Dib Ha U Xasuusteen Wixii Ay Soo Sameeyeen,

Ha Taageeraan Waxa Fiican Ee Aan Sameyneyno Ee yeysan U Xiisin Xumaantii Ay Soo Sameeyeen Oo Kale inaan Sameyno!.

Wuxuu Faafaahiyey Qaabka Gudiyada Loo Soo Dhisey Oo Lamida Kii 2016 Munaasabad Casho Sharaf iyo Sagootin Ah Oo Ra’iisul Wasaare #Rooble Loogu Sameeyey Baydhabo_Janaay,

Waxaa uu sheegay Lafta-gareen in Guddiyada doorashooyinka ee uu magacaabay uu ku daray dad siweyn looga yaqaano Koonfur Galbeed oo ka tirsaneyn shaqaalaha maamulkiisa, isla markaana aysan wax shaqo ah ku laheyn arrimo siyaasadeed.

Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Madaxda maamul Goboleedyada kale ee aan weli soo gudbin Guddiyada doorashooyinka ugu baaqay inay soo gudbiyaan, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashada oo dib u dhac uusan ku imaan doorashada.
DAAWO