Daawo”Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed oo Baaq udirey Shacabka Diinsoor

Wasiirka wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka KGS Mudane Maxamed Xuseen Xasan iyo masuulyiin kale oo ka tirsan maamulka konfur Galbed oo goob fagaare ah kula hadley boqolaal kamid ah shacabka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

Wasiir maxamed Xuseen ayaa sheegey in Shacabka diinsoor looga baahan yahay soo dhaweynta Maamulkooda cusub iyo sidii ay si dhow ay ugala shaqeyn lahaayeen horumarka iyo dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Degmadooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale Shacabka usheegey Maamulka uu hogaanka u hayo Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed laftagareen in ay ka go’an tahay dib udhiska iyo kala dambeynta Dowladnimada Adeegyada Dowladana la gaarsiin doono Deegaan iyo Degmo walba oo uu maamulka ka kooban yahay.