Dab qabsaday kaalinshidaal Degmada Buurhakaba(SAWIRO)

Wararka Idaacada Radio Baidoa ay ka heleyso Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in kaalin Shidaalka lagu iibiyo uu Saaka Dab qabsaday,

Dabkan ayaa waxaa ka dhashay Qasaare Hantiyadeed iyo Bur bur waxaana sida ay Sawirada goobtaasi laga helay ay muujinayeen Gurmad ay sameynayeen Bulshada Degmadaasi iyadoona Halkaasi uu Dabka ka kacay ee kaalinta shidaalka ay markii dambe soo gaartey Booyad biyo ah oo Gurmadka Qeyb ka aheyd,

wararka ayaa sheegaya Daminta Dabkaasi ka kacay kaalinta Shidaal in lagu guuleystey walow aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Dabkaasi ka dhashay,

wali maamulka Degmada Buurhakaba iyo kan Koonfur Galbeed kama hadlin waxyaabaha sababay.