Dab Qabsaday Suuqa Bakaaraha….

Dab ayaa qabsaday Makhaayad ku taal Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta dharka lagu tolo.

Dabkan ayaa holcayay ku dhawaad Saacad iyadoo ay socdaan dadaalo lagu daminayo si uusan ugu sii fidin Suuqa.

Wararku waxa ay sheegayaan in dabku uu geystay qasaaro xoogan  kaa oo ah mid hantiyeed.

Gawaarida dab damiska ayaa hadda ku howlan ka hor tagida faafitaan uu sameeyo dabka oo laga cabsi qabo inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir ayaa gaaray goobta uu Dabku ka kacay.

Lama oga waxa sababay kicitaan Dabkan maanta qabsaday makhaayadan ku taala suuqa bakaaraha.