Dad Ceel Biyood Ay Qodayeen Uu Kula Dumay Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bakool ayaa ku soo warramaya in Deegaanka Garasweyne oo 45 km u jira degmada Tiyeeglow ee Gobolkaas dad uu Ceel Biyood kula dumay.

Inta la xaqiijiyay in illaa 4 qof ayaa ku dhimatay 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi Sida Radio Baydhabo  dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen.

Ceel Biyoodka Dumay ayaa la sheegay In indhawaanahan qodistiisa socotay islamarkana looga faa’ideysan rabay Jiilaalkaan xoogan.

Qeybo ka mid Gobollada Dalka ayaa waxaa saameyn xoogan ay ku yeelatay abaaro daran oo ku dhuftay oo wada saameysay Dadka iyo Duunyada.