Dad loo heysto weerarkii Westgate oo la Maxkamadeynayo

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay qaaddo kiiska saddex nin oo ku eedeysan inay caawiyeen Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday dhisme laga dukaameysto oo ku yaalla Caasimadda Nairobi, sanadkii 2013.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas oo lagu qaaday dhismaha Westgate.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Kenya ayaa sheegtay in raggii geystay weerarka ay ku dhinteen gudaha dhismaha.

In ka badan 140 marqaatiyaal ah ayaa ku marag furtay raggaasi, inkastoo eedeysanayaashu ay beeniyeen.

Ragga lweerarkaas loo heysto ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Xuseen Xasan Mustaf, Aadan Deeq, Liibaan Cabdullaahi Cumar & Maxamed Axmed Cabdi

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ka muujineysa weerarro laga geysto gudaha dalkeeda iyadoo ciidamo milatari ah ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.