Dad looga shakiyey Al-shabaab oo maanta laga soo qabtay guri ku yaala magaalada Garoowe

garooweApril 12 (Radio Baidoa)— Ciidamada ammaanka Gobolka Nugaal ayaa howl gallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Garowe ku qabtay illaa 15 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo loogu galay guri ay degenaayeen.

Taliyaha Ciidamada ammaanka Gobolka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in raggan lagu soo qabtay dareys ciidan, isla markaana baaritaan ku socdo.

“Howl galo ciidanka ka sameeyeen xaafad ka tirsan Garowe waxaa lagu soo qabtay 15 ruux oo Al-Shabaab ah, raggaas waxay ku dhuumaayeen guri, waxay heysteen dareys ciidan, gurigiina waa la wareegnay”ayuu yiri Taliyaha.

Waxaa uu sheegay in raggan ay soo qabteen isugu jiraan qaar horay magaalada u joogay iyo kuwa dhowaan soo galay, isagoo tilmaamay inay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in horay ay digniin uga soo saareen lala wareegi doono gurigii lagu helo hub, waxyaabaha qarxa ama ragga ka tirsan al-Shabaab.

Howl gallo ballaaran ayaa ka socda magaalada Garowe, iyadoo laamaha ammaanka Puntland ay ka feejigan yihiin weeraro laga cabsi qabo in Al-Shabaab ka geystaan Puntland.