Dad Rayid ah oo lagu dilay Gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan duhurnimadii maanta laba qof oo rayid ah ay ku dileen degaanka Maareeyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Radio baidoa u sheegeen labada qof ee la dilay inay kala ahaayeen nin Oday ah oo Mooto Bajaaj khudaar ku geyn jiray degmada Xudur iyo wiil 12 sano jir ahaa.

Qaar ka mid ah ehelada dadka la dlay ayaa falkan waxa ay ku eedeeyeen Ururka Al Shabaab, waxayna dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ka dalbadeen inay jawaab ka bixiyaan dhibaatadan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka dadkan rayidka ah, magaalada Xudur waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al Shabaab.