Dagaal caawa ka dhacay magaalada Marko

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in caawa uu halkaasi ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Ururka Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii xoogaga Ururka Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmada Marko, waxaana hada la soo sheegayaa inay dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo Shabaabka weerarka qaaday.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Radio baidoa u sheegeen inay arkeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ka dhex dagaalamaya xaafadaha magaalada.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee dagaalkan, maadaama xabadu aanay joogsan oo rasaas ay dhaceyso.