Dagaal Caawa ka dhacay Marka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii Shabaab ay magaalada ka weerareen dhanka Jillib-marka oo xigta magaalada Muqdisho.

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo lugeynaya ayaa gudaha u galay magaalada, waxayna halkaasi kula dagaalameen ciidanka dowladda federaalka ee dhawaan halkaasi la wareegay.

Guddoomiyaha magaalad Marko Xasan Macalin Cumar oo la hadlay Idaacadda Radio baidoa ayaa sheegay in raggan laga war hayay, islamarkaana ciidamada ay iska difaaceen weerarka Shabaab.

Wuxuu sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, balse ilaa hadda aan khasaaraha dhabta ah la heyn, maadaama xilli habeen ah ay tahay.