Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal culus subaxnimadii hore ee saakay uu halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalkan oo bilowday Aroortii hore ee saakay ayaa socday saacado dhower ah, wuxuuna dagaalka yimid kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay weerarreen deegaanka oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Moqokori islamarkana kana saareen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..