Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Daynuunay

Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa Dagaalyahano ka tirsan Shabaab  dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Daynuunay.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Radio Baidoa u xaqiijiyay in Afar askari oo ka tirsan ciidanka Dowlada ilagu dilay dagaal ka dhacay Xerada Ciidamada, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale oo ciidamada soo gaaray.

Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe dib looga saaray deegaankaasi.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Shabaab.

Weerarkan, ayaa noqonaya midkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku soo qaadaan Daynuunay billihii ugu dambeeyay.