Dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhex-maray duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye & Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda & Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 9 Askari, sidoo kalena ay gaari gubeen, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xqaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgallo kala duwan ka fuliya Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM, waxaana ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.