Dagaal dhex-marey Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab

Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan oo katirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Bar Koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomalaiya ku leeyihiin degmadaas.

Weerarka kadib ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen iun uu halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday oo dhex-marey Ciidamada Milatteria oo Koontoroolka ku sugan iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku geeriyootay Haweeney kamid aheyd Shacabka Afgooye halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo haatan lagu daweynaayo Isbitaalka degmada Afgooye.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.