Dagaal ka dhacay Nawaaxiga Degmada Afgooye

Wararka aan ka helayno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in caawa dagaal uu ka dhacay degmadaasi, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana dagaalku uu ka dhacay Deegaanka mukayga oo ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Ciidanka Dwoladda ee ku sugan degaankaasi, waxaana billawday dagaal xooggan oo u dhexeeyay labada dhinac,

Dad Goobjooyaal ah oo la hadlay Radio Baidoa ayaa sheegay in ay Maqlayeen dhawaqa rasaasta, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jugta iyo dhawaqa Raasra laga maqlayo Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye iyod egaanada ku xeeran.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse dadka degaanku waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo ay adagtahay in la Ogaado khasaaraha Rasmiag ee ka dhashay dagaalka.