Dagaal ka socda Tukaraq

Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi in uu ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii ciidamo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Somaliland.

Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa lagu adeegsanaya , waxaana degaano badan oo ka tirsan gobolka Sool laga maqlaya daryanka Madaafiicda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday xaalad dagaal ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq.