Dagaal Khasaare ka dhashay oo ka dhacay Beledweyne

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Gambar-laawe oo dhanka Koonfureed ka xiga Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal.

Dagaalkan oo mudo saacado ah socday ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyo Isbaaro u tiilay Degaankaasi.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowladda ay weerar ku qaadeen Maleeshiyada Isbaarada u tiilay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaas oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ayaa hada ah mid degan, waxaana kooxdii yareyd ee Isbaarada dhigatay ay isaga baxsadeen halkii ay Isbaarada u tiilay