Dagaal u dhexeeya Ciidamo katirsan Dowlada oo ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Waxaa Maanta xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir ka dhacay dagaal sababay khasaaro kala duwan ,kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul sharci darro ah oo ku yaalla Xaafada Tarabuunka oo ay isku hayaan,waxaana dagalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sheegayaan in dagalka Maanta uu ku geeriyooday hal Ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen,welina rasaas laga maqlayo goobihii lagu dagaalamay.

Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dagaalka Maanta Xaafada Tarabuubka ku dhex-marey Ciidamo ka wada tirsan dowladda una abaabulan hab beelee.