Dagaal udhaxeeya labo meleeshiyo Beeleed ayaa manta ka dhacay Gobolka mudug

Faah faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo laba maleeshiyo Beeleed ku dhex-maray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Ina diideey oo 15 km dhinaca Bari ka xiga degmada Afbarwaaqo ee Barriga gobalka Mudug,waxaana uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dad ku sugan gobolka Mudug ayaa radio beydhabo waxaa ay u sheegeen in dagaalka oo bilaawday saakay Aroortii hore ay ku geeriyoodeen ilaa 8 Ruux halka in ka badan ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ah.

Labada maleeshiyo ee dagaalantay ayaa waxaa la sheegay in ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaanka lagu dagaalamay,waxaana dagaalkaan uu yahay mid soo laab laabtay.

Wararka laga helayo deegaanka Ina diideey ee duleedka degmada Afbarwaaqo ayaa waxaa ay sheegayaan in weli rasaas goos goos ah halkaasi laga maqlayo taas oo ay isku ridayaan maleeshiyaadka dagaalamay.