Dagaal Xoogan Oo ka dhacay Deegaanka Deynuunay

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab weerar ay ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowlada Fedaraalka soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Deeynuunaay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo Maanta Barqadii soo gaaray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed soomaaliya oo dagaalka qyeb ka ahaa ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay qasaaro gaarsiiyeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60aad ayaan weli si faah faahsan uga hadln dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka Gobolka Baay kadib markii Isgaarsiinta Hawada laga saaray.