Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo markale dib u billoowday

Waxaa jira warbixino sheegaya dagaal cusub oo udhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan, saacado un kadib markii xabad joojinta dhaqan gashay.

Qaraxyo ayaa ku dhuftay Stepanakert, oo ah caasimada gobolka lagu muransan yahay Nagorno-Karabakh, fiidnimadii Sabtida, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo warbaahinta Armenia.

Labada dhinacba ayaa midba mid kale horay ugu eedeyay inuu sii wado duqeymaha.

Kadib dagaal labo toddobaad socday, labada dal waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin ku-meel-gaadh ah intii lagu guda jiray wadahadalkii Moscow ka dhacay Jimcihii.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in “waxaa sii kordhaya walaaca laga qaba warbixinnada ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militariga ee sii socda, oo ay ku jiraan bartilmaameedyada rayidka, iyo sidoo kale khasaaraha dadka rayidka ah” in kasta oo heshiiska lagu xusay”, sida lagu sheegay bayaan la sii daayay Axaddii.

In ka badan 300 oo qof ayaa dhimatay kumanaan kalena waa ay barakaceen tan iyo markii rabshadihii ugu dambeeyay ee dagaalka muddada dheer socday uu qarxay 27kii Sebtember.

Hogaamiyaha gobolka Nagorno-Karabakh, Arayik Harutyunyan, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in xaalada ay “dagantahay” axadii laakiin waxa uu ka digay in xabad joojinta ay xilli kasto burburikarto.

Dhisme dabaq ah oo ku yaal magaalada Azerbaijan ee Ganja ayaa la burburiyay habeenimadii taas oo saraakiishu ku sheegeen inuu ku dhacay gantaal laga soo riday Armenia. Saraakiisha ayaa sheegaya in toddobo qof ay dhinteen tobaneeyo kalena ay dhaawacmeen balse Armenia ayaa gaashaanka u daruurtay wararka sheegaya in gantaalka uu ka yimid dhineceeda.

Xabad joojinta oo haatan caga badan ku taagnayn ayay ahayd in labada dal loo oggolaado in ay is dhaafsadaan maxaabiista iyo in la kala gurto meydadka dagaalladii ugu dambeeyay.