Dagaallo xooggan oo mar kale dib uga qarxay magaalada Juba

Dagaallo culus ayaa mar kale dib uga qarxay magaalada Juba ee Caasimada Koofurta Sudan, iyadoo dagaaladan ay ku soo aadeen, kadib markii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ay ku baaqday in la soo afjaro dagaalada.

 

Rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlayay magaalada oo dhan, waxaana dagaalada uu dhex marayaa Ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Koofurta Sudan iyo kuxigeenkiisa.

Wariye ku sugan magaalada Juba ayaa u sheegay BBC in la maqlayo qaraxyo xooggan iyo madaafiicda.

In ka badan 200 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalada bilowday jimcihii, waxaana dagaalkii ugu cuslaa uu dhacay xalay, kaasoo socday 12 saacadood.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa uga digay dhinacyada dagaalamaya sii wadista dagaalka, waxaana ay ugu baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa ku tilmaamay dib u soo cusboonaanta dagaalada ay sabab u tahay heshiiskii nabada ee sanadkii hore la saxiixay, kaasoo ka muuqatay deg degnaan.