Dalka Koongo oo lagu dilay16-qof oo rayid ah

Kooxo hubeysan oo ku sugan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) ayaa dilay ugu yaraan 16 qof oo rayid ah,ka dib markii ay ka soo laabteen suuq toddobaadle ah, sida laga soo xigtay ilo caafimaad iyo kuwa maxalli ah.

Weerarkaan gaadmada ah ayaa xalay fiidnimadii ka dhacay waddo weyn oo isku xirta magaalooyinka Maimoya iyo Chani-chani, oo qiyaastii 40-km u jirta magaalada Beni ee waqooyiga Kivu,waxaana dadka la dilay ku jira lix haween ah iyo canug.

Nicolas Kikuku, duqa magaalada ayaa yiri “Waxaan haynaa 16 meyd ah oo yaalla qolka meydadka ee isbitaalka, isagoo intaa ku daray in sagaal kale oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo.