Dalxiisayaal u Dalxiistagey Duleedka Baydhabo (SAWIRRO)

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Duurjoogta Iyo Dalxiiska koonfur Galbeed Mudane Isaack Maxamuud Mursal Isaak Fanax ayaa Maanta Dalxiisiyaal ka kala socday waddamadda, Germany & Austria u Damaashad geeyey goobaha lagu dalxiiso ee Baydhabo,

Dalxiisayaashan u kala Dhashey Germany iyo Austria ayaa magaalada Baydhabo soo gaarey maalin ka hor iyadoo ay soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa noqotay goob dalxiis kadib markii Ganacsatadda baydhabo Maal gelin xoog leh ay ku Sameeyeen Magaalada iyo beeraha ku yaala Duleedka Baydhabo,