Puntland ayaa soo bandhigay dambiyada ka dhacay degaanadeeda sanadan sii dhamaanaya ee 2017, maadaama Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland uu sanad walba dhamaadkiisa soo saaro dambiyadii ka dhacay guud ahaan Puntland.
Maxamed Cali Xareed oo ah Ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa soo bandhigay dambiyadda ka dhacay Gobolada Puntland.
Wuxuu kaloo sheegay xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland dambiyadii ka dhacay degaanada Puntland 2017 in ay ahaayeen 3,853 dambi ama kiis.
Gobalka Nugaal 173 dambi
Gobalka Bari 982 dambi
Gobalka Karkaar 351 dambi
Gobalka Cayn 677 dambi
Gobalka Mudug 169 dambi
Gobalka Sanaag 70 dambi
Gobalka Haylaan 150 dambi