Deegaano hoos yimaada Degmada Baardheere oo Howlgallo ka bilowday

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisinkooda yahay Degmada Baardheere ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Baardheere oo maalmahii la soo dhaafey ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab.

Dhame Cali Turkish oo ah Taliyaha Ururka 49 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Degmada Baardheere ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobolka.

Dhame Cali Turkish ayaa xusay in ciidamada xoogga dalka ay ka jawaabeen falalka Al-Shabaab kula kaceen dadka degan Tuulada Reydab, isla markaana ay ciidamada kaabiga ku hayaan tuulooyinka Reydab, Muudaale, Sidimo, Kantama, Takar ,dhamaan tuulloyinkaasi oo Baardheere u jira qiyaastii 60km ilaa 45 km Waxaana uu sheegay in dhammaan degaandaasi laga saari doono Al-Shabaab