Deeq Gargaar ah Oo la gaarsiiyey Degmada Xuddur-SAWIRO

Wasiirka Gargaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Koonfur Galbeed ayaa maanta Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha DFS Adam Cabdinasir kala wareegey deeq raashin ah loogu talo galay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Wasiir Abdinasir Abdi Arush Wasiirka gargaarka koonfur Galbeed ayaa yiri Maanta waxaan ku guuleysanay in diyaaradii u horeysay oo wada cunto daruuri ah aan gaarsiino Degmada Xudur oo aan xaalada nolosha bulshadaas soo booqday Arbaco 16 Juun.
Ilaa hadda waxaan ku diyaarinay magaalada Muqdisho 45,900KG oo cunto daruuri ah.
Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS), Guddoomiyaha Gobolka Bakool iyo reer Xudur oo si mug leh uga jawaabay baahida ka jirta Xudur.

Degmada Xudur Maanta waxaa gaarey diyaaradii ugu horreysay oo wada cunto daruuri ah wax looga qabto xaalada bani’aadanimo ee halkaas ka jirta.