DEG DEG: Al-Shabaab oo la wareegay magaalada Marka

Al-Shabaab ayaa goor dhow la wareegay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafado ka tirsan Marka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay wali ku sugan yihiin saldhiggooda ay horay u degenaayeen ee duleedka magaalada.

Ka bixitaanka Ciidamada dowladda ee magaalada Marka ayaa ka dambeysay markii xalay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen Xerada Laanta Buuro.

Ma jirto illaa iyo hada oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ku aadan qabsashada magaalada ee Al-Shabaab.

Ma ahan markii u horeysay ee Ciidamada dowladda ay isaga baxaan Magaalada Marka, iyadoo bishii Febraayo ee sanadkan ay aheyd markii Al-Shabaab ay la wareegeen Marka, kadib markii ciidamada dowladda isaga baxeen.