Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goor dhow Bilaabatay, waxaana doorashadda ay ka dhaceysaa xarunta Golaha Shacabka.
Guddiga doorashadda ayaa ku dhawaaqay in ay doorashaddu bilaabay , waxaana ku tartamaya 10 Musharax.
Sidda uu Sharcigu qabo waxaa mid mid loogu yeeri doonaa xildhibaanada Golaha Shacabka si ay u codeeyaan ka dib Codadka ayaa la tirin doonaa.
Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 262 xildhibaan.
Musharaxii hela 50+1 ayaa ku guuleysan doona wareegga Koowaad Gudoomiyaha Golaha Shacabka, hadii Musharaxiinta Midna heli waayo waxaa loo gudbi doonaa Wareegga Labaad.
Magacyadda Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
1- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
2- Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye
3- Xildhibaan Idris Cabdi Dhaqtar
4- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan
5- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
6- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye
7-Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.
8- Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
9- Xildhibaan Cali Sheekh Nuur
10- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen