General Cagey oo Muqdisho lagu dilay

General Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dhex dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caanaha ee Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa RADIO BAIDOA u xaqiijiyay geerida Yuusuf Cagay.

Dilka ayaa dhacay goor dhow, waxaana wali la heyn faahfaahin rasmi ah oo ku aadan Cidda ka dambeysay dilka loo geystay Generaalka, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska iyo xoogga dalka.

Wixii kusoo kordha kala soco Radio baidoaa.net