DEG DEG:Ciidamada DFS iyo kuwa Ajaaniib ah oo Weerar ku qaaday Al Shabaab

Muqdisho (Radio Baydhabo)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Xalay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo Ajaaniib ah ay ku qaadeen Saldhig Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Tooratooroow ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan oo dhacay Xalay ayaa yimid kadib markii Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka soo daateen Diyaarad Dagaal islamarkaana halkaasi ay iska horimaad Culus kula galeen Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Ujeedka Weerarkan ayaa u muuqda mid lagu beegsanayay Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo kulan ku la haa Degaanka Tooratooroow ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan ayaa halka lagu beegsaday waxaa ku yaalla Saldhiga Boolis oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab, waxaana Al Shabaab Saldhigaasi ugu xiran maxaabiis badan.

Laakiin lama shaacin hadii ujeedka Weerarkaasi sidoo kale uu ahaa in lagu soo furto Maxaabiis ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Dagaal yahanadooda ay iska caabiyeen Weerarkii Xalay lagu soo qaaday.

10-ka Bishii March ee Sanaddan ayaa Weerar kan la mid ah Ciidamada sida gaarka h u tababaran ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka waxey ku qaadeen Saldhig Boolis oo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose halkaasi oo la sheegay in lagu Dilay 10 ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab.

Balse Afhayeenka dhanka howlgallada ee Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlayay Weerarkaasi ayaa gaashanka u daruuray in khasaaro lagu gaarsiiyay Dagal yahano kuwooda ah.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay Weerarkan Xalay lagu qaaday Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Degaanka Tooratooroow ee Gobolka Sh.Hoose.