Degmad Qansaxdheere oo Gudoomiye Cusub loo magacaabey iyo Mas’uuliyiin Maanta gaartey

Magaalada Qansaxdheere oo ah Degmo ka tirsan Gobolka Bay ayaa loo magacaabey Gudoomiye Degmo oo Cusub waxaana Xilkii laga Qaadey Gudoomiyihii hore oo lagu magacaabi jirey Aadan Qooqane.

Waxaana loo magacaabey Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim waxaana magacaabistan iyo xil ka qaadistan ayaa Sameeysey Wasaarada ARIMAHA GUDUHA EE MAAMULKA KOONFUR GALBEED.

SHacabka ku dhaqan Degmada Qansaxdheere ayaa si weyn u soo dhaweeyey xil ka qaadista Gudoomihii hore.Shacabka Degmadaas ayaa dhowr jeer oo hore dhigey banaanbaxyo ay uga soo hor jeedeen maamulka haatan la badaley.

Ma’suuliyiinta ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ee  Maanta Gaarey Degmada Qansaxdhere Ee Gobolka Baay ayaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed XASAN XUSEEN EELAAY iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaana ay kula Dardaarmeen Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi Qansaxdheere in uu si daacad ah ugu adeego Shacabka oo uu ka soo baxo howlaha loo igmadey.

Qansaxdheere Waxa Ay kamid tahay Degmooyinka Go,doonka ku jira Ee Gobolka By Muhiimahada Wafdiga Wasiirka Amniga Ee Booqashadiisa Halkaas ayaa Ah Hordhaca Howlgalo Dhawaan laga Fulin doona inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Degmada Qansaxdhere.

By Anteeno