Degmada berdaale oo daadad kusoo fatahmey dadna kabarakacay xaafdaha kuyaala degmadaas

Wararaka laga helayo degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in daad ay kusoo rogmadeen Xaafado katirsan degmadaas, iyaga oo saameyn ku yeeshay howlihii muhiimka ahaa ee Magaalada.

Daadadkaas ayaa waxaa ay ka dhasheen Roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goof-Gaduud Buureey iyo tuulooyin kale.Waxaa xiran inta badan Goobaha Ganacsiga ee degmada Bardaale,kadib markii ay saameyn ku yeesheen daadadkaas, iyada oo dadka badi ku noolaa degmada Bardaale ay barakaceen.

Mas’uuliyin katirsan Maamulka degmada Bardaale ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan dadaalo ku aadan sidii Biyaha looga saari lahaa Magaalada,waxaana Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha gargaarka ay ugu baaqeen in dadka barakacay ay u gurmadaan.