Degmada Waajid Oo Ku Dhow In Al Baabada Loo Laabo Goobaha yar ee Caafimaadka

Degmada waajid ee gobolka bakool ayaa kamid ah degmooyinka ay go,doomiyeen Alshabaab iyadoo degmada waajid iyo degaanada ka tirsan ay ka barkaceen dad aad utira badan sanadii 2017dii oo dalka soomaaliya ay kadhacdey abaar daran.

Marka laga hadlayo xaruumaha caafimaadka Degmada Waajid malahan xiligan Cisbitaal guud oo dabooli kara baahiyaha caafimaad ee ka taagan Degmada Waajid.

Dadka ku nool Waajid ayaa Xaruumo Caafimaad u ah daawo MCH yo yar yar kuwaas oo mararka qaar laga heli Karin daawoyinka ay uga baahdaan bukaanada. sidoo kale dadka qaar oo ay kamid yihiin Hooyooyinka uurka leh ayaa waxa ay ku dhalaan dhibaato taasi oo sabab u noqota in Tobankii kiis oo noocdayaasi ah afar kamid ah ay u geeriyodaan daawo la’aan.

Cabduqaadir maxamed oo ka mid ah dhaqtar ka howlgala MCH kuyaala degmada waajid ayaa waxaa uu warbaahinta u xaqiijiyey in Dadka qaar ay u geeriyoodaan gar gaar la’aan iyadoo meesha gar gaarka ka soo doontana ay tahay MCH aan Dawsfiisa iyo Qalabkiisa aan dhameystirineyn Degmadana aysan laheyn Cisbitaal weyn.

Maalinba maalinta kale ee ka dambeysa waxaa kordhaya dhibaatooyinka dhanka caafimaad ay qabaan dadka ku nool degmada waajid iyo degaanada katirsan iyadoo si lamaid ahna hoos udhac ay ka jiraan MCH yada degmada waajid taasi oo dhalisay in Dqd ay u geeriyodaan gar gaar la’aanta ay la kulmaan bukaanada’

Dr.Cabduqaadir maxamed ayaa sheegey in wasaaradaha caafimaadka dowlada faderaalka soomaaliya iyo mida dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada caafimaad ee ka jirta degmada waajid isagoona sheegey in dadka ku nool waajid ay ubaahan yihiin Cisbitaal weyn oo leh dhaqaatir iyo Dawooyin ku filan Bulshada Degmad Waajid.