Dekeda Boosaaso OO lagu wareejinayo Dowlada Imaaraadka Carabta

Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo Dekeda Boosaaso, ayaa waxaa arrintan xaqiijiyay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed Ceydiid Jaamac.
Ay wax uu sheegay inay jirto arrintan, isla markaana sababta Imaaraadka loogu wareejinayo Dekeda Boosaaso ay tahay in la ballaariyo.

“Runtii Arrintan wey jirtaa, duruufta ka jira Dekeda Boosaaso waxay keeneysaa in Dekeda la ballaariyo, oo koonteenarada iyo alaabaha waa weyn ee maraakiibta ay wadaan ku soo xirtaan, muhiimada waxa weeye wixii aad adiga qabsan kartid aad qabsato, wixii aad qabsan karinna la raadsato cid kula qabata, si horumarka iyo ganacsiga u sii jiro”ayuu yiri Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Waxaa uu sheegay in hadii la ballaariyo Dekeda Boosaaso oo ku taal meel istiraatiiji ah, kumanaan shaqaale ay fursad u helayaan inay ka shaqeeyaan Dekeda.

“Dekeda Boosaaso waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah, gaar ahaan marinta ay maraan gaadiidka badda ugu badan ee Adduunka, waa geeska ugu kooneeya, dhinac waa badweynta Hindiya dhanka kalana Badda Cas, Marka waa marinka adduunka meesha uu maro”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sababta Imaaraadka Carabta ay muhiim ugu tahay Dekeda Boosaaso ay tahay inay tahay meel aad ugu dhow dalalka Khaliijka.

Waxaa uu sheegay in haatan Imaaraadka Carabta ay ka taageerto Puntland tababarka Ciidamada Badda, isla markaana aanay aheyn wax qarsoon, balse aanay jirin iminka saldhig Milateri oo uu Puntland ka sameynayo.

Madaxweynaha Puntland oo dhowr jeer isaga daba-noqday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu kala hadlay sidii Imaaraadka loogu wareejin lahaa Dekeda Boosaaso, waxaana siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland ay sheegeen in arrintan meel gabo gabo ay mareyso.

Damaca Imaaraadka ka leeyahay Soomaaliya ayaa sii kordhaya, iyadoo si dhow ula macaamilaya maamul goboleedyada, waxay dhowaan heshiis la galeen Maamulka Somaliland oo la wareegida Dekeda Berbera iyo saldhig Milateri ay ka sameystaan garoonka diyaaradaha Berbera, iyadoo arrintan ay si weyn uga soo hor-jeesatay dowladda Federaalka.