Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee kajira degaannada Puntland, qorshayaasha Xukuumaddiisa horyaalla iyo waxyaabaha u qabsomay.

Deni oo ka hadlayay dhinaca amniga ayaa sheegay in laamaha Amniga Puntland ay soo fajareen Shabakado ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka koobnaa 34 Rag ah, kuwaas oo uu sheegay in muddo 13 sano ah qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulinayay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweyne Deni in Xukuumadda Puntland ay laba jibaareeyso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab & Daacish, waxaana uu Waalidiinta ka dalbaday inay la socdaan dhaq dhaqaaqa Carruurtooda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool degaannada Maamulkaas inay Ciidamada kala Shaeeyaan sugida amniga I ay nabadgeliyo ugu wada noolaadan.

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Al-Shabaab & Daacish ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliyaan degaannada Maamulka Puntland.