DF oo loogu baaqay in ay yareyso caburinta xubnaha siyaasiyiinta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay yareyso caburinta xubnaha siyaasiyiinta ee ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay sheegtay in dambi uusan laheyn siyaasiga mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur, kaasi oo siyaasad ahaan Dowladda aad u dhaliilsan.

Siyaasigan ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay xabsiga dhigtay 18-kii bishan, kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo daayay wada hadalo in mudo ah socday.

C/risaaq Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa Dowladda ka dalbaday in ay yareyso caburinta ay ku heyso siyaasiyiinta, wuxuuna sheegay hadii Dowladda ay adeegsato awood in ay imaan karto khalaase hor leh oo caasimaddu ay gasho.