DFS Iyo Beesha Caalamka Oo Shir Ku Yeeshay Muqdisho

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay DFS iyo wakiillada beesha Caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirkan oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa looga hadlayey Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulshadda siyaadda iyo horumarrada laga gaaray.

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay shirkaas ayaa waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka uu warbixin ka siiyay dadaalka iyo guulaha ay ka gaartay Dowladda Soomaaliya Isbadalka dhinaca Maaliyadda.

“Wakiillada Beesha Caalamka waxa aan warbixin ka siiyay dadaalka iyo guulaha ay ka gaartay Dowladda Federal Soomaaliya isbadalka Maaliyadda. Waxaan ku faraxsanahay sida Safiirada Caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka Horumarinta Dhaqaalaha Dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle.