DFS oo 1 Milyan oo Doollar u qoondeysay gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadida dadka ay saameeyeen Abaaraha in la caawiyo.

Rooble ayaa sidoo kale ka dalbaday Ganacsatada iyo qurbaha joogta Soomaaliyeed in ay si mug leh uga qeyb qaataan caawinta dadka dhibaateysan.