DFS Oo Amar Kusoo Rogtay Hay’addaha Ka Shaqeeya Dalka

Wasiir qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala heshiiyeen inay isticmaalaan Bankiga dalka lana rabo hada in lagula xisaabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed ayaa waxaa uu tilmaamay in lala xisaabtamayo Hay’addaha ka shaqeeya dalka, sidoo kalena lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.

“Waa in lala xisaabtamaa Hay’addaha ka shaqeeya dalka halka ay mariyaan lacaga dalka ay soo galiyeen horeyna waan kala hishiinay sidaa dareedeed waa inaan xoojinaa dhaqan galinta heshiisyada” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal waxa uu sheegay in kaliya lacagaha dalka soo gali aysan laheyd Soomaaliyeed hase ahaatee ay jiraan hay’addo mashaariic ka fuliya dalka sida lagu ogaaday lacag ka badan labo bilyan oo doolarka Mareykanka ayaa soo gasha dalka sanadka kasta waana in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo.

Wasiirka qorsheynta xukumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacagaha doolarka ee soo galo dalka halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.