DFS oo Ciidamo geysay Degmada Guriceel

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Ciidamo geysay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo saakay Waaberigii hore ay isaga baxeen Ciidamo katirsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Ciidamadaan Booliska ah ayaa la wareegay Ammaanka guud ee degmada Guriceel, iyaga oo fariisin ka sameystay Saldhiga Booliska Guriceel.

Dadka degmada Guriceel ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dareemayeen cabsi ku aadan in dushooda lagu dagaalamo maadaama dagaal kooban ay degmada Guriceel kula wareegeen Ciidamada Dowladda.