DFS Oo Ka Hadashay Qoyskii Madfaca Ku Dhintay Ee Balad-Xaawo

Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo xalay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Wasiirka amniga Jubbalad ku dhexmaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidankii weerarka kusoo qaadeen Balad-xaawo ayaa madaafiic ku garaacay xaafaddo ka tirsan degmadaas oo deganaayeen dad shacab ah iyo Ganacsato, waxaana madfac uu ku habsaday Guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ah.

Inta la xaqiijiyay 5 Caruur ah iyo Aabihii dhalay ayaa ku geeriyooday madfaca ku dhacay Gurigii ay ku sugnaayeen, waxaana la sheegay in uu jiro dhaawac soo gaaray dad qoyskaas deris la ahaa oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cismaan Dubbe oo ka hadlaayay dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo ayaa sheegay in Ciidan ay soo hubeysay Kenya oo weerar kusoo qaaday halkaas ay khasaaro u geysteen dad shacab ah iyo Ganacsato.

Wasiir Dubbe ayaa tacsi u diray qoyska iyo Eheladii ay ka geeriyoodeen, waxaana uu sheegay Wasiirka in Ciidankaas oo ahaa kuwo Kenya soo abaabushay khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay weerarka, ayna iska difaaceen Ciidanka dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta ayuu xusay in ku dhawaad 100 Askari looga qabtay dagaalka Ciidankii lasoo hubeyay ee doonayay inay qabsadaan degmada Balad-xaawo, wuxuuna caddeyay in aysan dooneynin inay soo bandhigaan xiligaan.