DFS Oo Sheegtay In La Bedelay Qaabkii Ciidamada Weerarada U Fulin Jireen

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Cabdifataax Qaasim ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee Ciidamada dowladda Federaalka ka wadaan dalka.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in inta Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Kummandoos DANAB ay fuliyaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee Gobolada dalka ka socda, iyadoo mararka qaarkood ay caawiyaan dowladdo taageera dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Xil Cabdifataax Qaasim in Ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaano badan iyo buundooyin Shabaabka ay marsiin jireen qaraxyada ka dhaca Muqdisho, wuxuuna xusay in Ciidamada howlgalka ugu badan ay ka wadaan dhulka xeebta ah.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa tilmaamay in la bedelay qorshe Ciidanka dowladda ay weerarada ku fulin jireen ee ahaa in qorshe la’aan weerar ku qaadan, kadibna ay dib isaga soo laabtan.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in weerada ay ka qaadan Ciidanka laga dhigay kuwo bartilmaameed ah oo la joojiyay qorshihii hore ee ahaa in weeraro la iska qaado, isagoo carabka ku dhuftay in dib u habeyn lagu sameeyay Ciidamada.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal adeg ku jira Al-shabaab oo weeraro kala duwan ka beegsata Ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo dalka u jooga nabad ilaalin.